War Deg Deg;-Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo Qarax Lagu Dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday xaafada warshada caanaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sida la xaqiijiyay qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaayad ay fadhiyeen saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, askar iyo mas’uuliyiin kale,taasi oo ku taala guryaha saraakiisha Degmadda hodan.

Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada hoose ayaa kamid ahaa xubnahaan qaraxaan ku dhintay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle),islamarkaana goobta uu ku geeriyooday.

Qaraxa waxaa sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray Jeneraal Qaanso oo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa sidoo kale jira saraakiil kale oo iyana qaraxa dhaawacyo kasoo gaareen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda  Federaalka Soomaaliya waxaana socda baaritaano.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here