Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ee xilka qaadista lagu sameeyay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa si faahfaahsan uga hadlay xilka qaadista uu ku sameeyay Raysal wasaare Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.
“Waxay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa, Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
“Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah” ayuu yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

