Puntland oo Soo Bandhigtay Xubno Kasoo Baxay Dagaalyahanada Daacish

0

Laamaha ammaanka Puntland ayaa soo bandhigay saddex nin oo la sheegay inay ka goosteenDaacish ee sidda dhuumaaleysiga ah uga dagaalanta buuraha gobolka Bari.

Mid kamid ah raggan ayaa sheegay inuu u dhashay Suudaan, wuxuuna magaciisa ku sheegay Muhanad Cabdullaahi

Mid kale ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxiim, waxaana muuqaalkiisa baahiyey telefishinka Puntland.

Cabdiraxiim oo kasoo muuqdey saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in maamulka degmada Ballidhidhin ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen, isla markaana ay siiyeen raashin iyo dharkii ciidda.

Labada kale waa Soomaali magacyadooda lagu kala sifeeyay Cali Yuusuf Cali iyo Maxamuud Macallin Maxamed.

Shaqsiyaadkan waxaa la wariyay in ay kooxda ISIL-Somalia u qaabilsanaayeen howlgaladda.

Kooxda Daacish ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay faro kulul ku haysay degaanadda gobolka Bari gaar ahaan magaaladda Boosaaso halkaas oo ay baad kusoo rogtey ganacsatadda uguna goodisay khaarijin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here