Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen laba sarkaal oo ka kala tirsanaa Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Macawisley ee ka dagaalanta Goboladda hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Al-shabaab ayaa sheegay in qarax lagu dilay labada sarkaal,islamarkaana ay goobta ku dhinteen.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda, waxaana ku dhintay laba sarkaal oo ka tirsana ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda.
Xubnaha qaraxa ku dhintay ayaa kala ahaa Abuukar Miineey oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Ruunirgood iyo Cabdi Markab oo isna ahaa hoggaamiye ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo si weyn looga yaqiinay Shabeellaha Dhexe.

