
Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa sheegay inay ku qasban yihiin inay soo iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka haddii aysan taageero ka heli karin la-hawlgalayaasheeda.
Madaxweyne Museveni ayaa sheegay inay taageero xagga hawada ah ka doonayeen Turkiga iyo Maraykanka, balse aanay waligood ka helin taageeradaas.
Mr Museveni wuxuu ku eedeeyay ciidamada Mareykanka ee kaga howlgala Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.
