Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbisay Maxkamada Sare, Maxkamada ayaa Khaliif u qabatay in uu dacwada kaga soo jawaabo muddo 7 cisho ah.
Dacwadan oo uu Maxkamada Sare ee Somaliland u gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa lagu sheegay in ay farayso in la laalo xubinimada Khaliif ee golaha, iyada oo lagu eedeeyay in uu ka hor yimid jiritaanka Somaliland iyo in aanu soo xaadirin 20 fadhi oo goluhu yeeshay.
Hadaba, Maxkamada Sare ayaa Khaliif u qabatay in uu muddo 7 cisho ah kaga soo jawaabo dacwada ” Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, kaasi oo ay kaga dalbanayso in uu kaga soo jawaabo 7 cisho gudahood” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay maxkamada.

