Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax xalay laga maqlay inta badan Degmooyinka Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay guri ku yaala Xaafadda Shiirkole Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir abaare 07;15daqiiqo habeenimo.
Sida xogaha ay tilmaamayaan, qarax ayaa ka dhex dhacay guri ay ku sugnaayeen xubno dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.
Xubnaha guriga ku sugnaa waxaa kamid ahaa nin la dhashay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo lagu magacabi jirey Cali Axmed Diiriye iyo taliyihii hore ee Booliska saldhiga degmada Hodan Cabdifataax Qoslaaye.
Ninka la dhashay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa la sheegay in qarax dhaawac culus kasoo gaaray,islamarkaana markii dambe ku geeriyooday isbitaalka Digfeer.
Dhanka kale waxaa haatan socda baaritaano lagu ogaanaayo sida uu qaraxa ku dhacay, iyo shaqsiyaadka ka dambeeyay qaraxa sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amaanka Gobolka Banaadir.

