Golaha Wasiiradda Puntland oo Ansixiyay Wax Ka Badalka Dastuurka Maamulka

0

Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland, isla markaasna la kordhiyo Xisbiyada Siyaasadeed ee Doorashada Golayaasha Deegaanka ku soo baxaya.

Waxaa la bedelayaa qodobka 46’aad oo dhigaya in Puntland yeelato 3 xisbi siyaasadeed, iyada oo loo codeeyey in ay soo ba aan 5 Xisbi Siyaasadeed.

Ansixiyaan wax-ka-beddelkan kadib waxa loo kulan aan caadi ahayn ka yeelanaya Baarlamanka Puntland si uu u ansixiyo ka hor maalinta doorashada 25-ka Maay.

Tallaabadan ayaa fursad u ah urur-siyaasdeedyada qaar balse waxa uu wajahayaa mucaarad kala duwan, iyadoo loo arko muddo-kororsi ay samaysanayso xukuumadda Madaxweyne Deni oo xilleedii uu ka haray siddeed bilood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here