Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 60 ka mid ah Al-shabaab kadib howlgal qorsheysan oo saakay ka dhacay deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha degmada Xarardheer,e Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in ciidamada oo ka war helay gaari Al-shabaab u siday hub iyo dagaalyahano hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu khaarijiyay 60 ka tirsan Al-shabaab islamarkaana gacanta lagu dhigay hubkii ay wateen iyo labo gaari oo nooga dagaalka ah

