Kooxo hubeysan ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku dishay odey Nabadoon ahaa.
Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jirey nabadoon Cali Cumar Caraale ayaa kamid ahaa waxgaradka iyo ganacsatada caanka ka ahaa degmadaasi.
Nabadoonka ayaa lagu weeraray laguna dilay goob uu hilib ku iibinayay oo kutaalla degmada Kaaraan , waxaana dilka kaddib goobtaasi isaga baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

