Nabadoon Kasoo Jeeda Gobolka Hiiraan oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Nabadoon caan ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan Maamulka Hir-shabeelle ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Nabadoon Muumin Cabdi Fiidow (Muumin Giriig) ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa degmada Hodan.

Marxuumka ayaa isla goobta ku qurbaxay, iyadoo kooxihii dilayna la soo sheegayo iney ka baxsadeen goobta markiiba.

Waxaa uu ka mid ahaa cuqaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku noolaa caasimadda Soomaaliya, si gaar ah waxaa uu ka mid ahaa waxgaradka Gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here