Maxkamadda CQS ayaa saakay xukuno dil ah ku fulisay eedeysanayaasha kala ah 1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow). 2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego). 3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax) waxa ay sedaxdaba u wada fuliyeen Al-shabaab Qaraxyo iyo Dilal.
1-Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, waxaa loo soo xeray in Gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uu Gawaaridaas ku Baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.
ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada ayaa ku geeriyooday Qaraxyadaas inta Diiwaanka Dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira intaas ka badan.
Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.
Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
January 12, 2023 ayay Maxkamadda CQS Ku Xukuntay xukun dil ah.
2-Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Dowladii Madaxweyne Farmaxajo 2018.
Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Al-shabaab u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay shabaab ku weerari jirtay Muqdisho.
Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.
September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.
23 kii March Sanadkii hore ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba ka tirsan Al-shabaab, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ahaa saraakiishii soo afjartay weerarkaas.
3-Maxkamadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday bilowgii sanadkaan Maxamed Cabdinuur Jiirow oo loo yaqaannay Dr. Fanax oo la sheegay in uusan aheyn dhaqtar sax ah, balse ka tirsanaa Al-shabaab oo xirfaddaan isku qarin jiray.
Waxaa lagu helay dembiyo isugu jiray dilal iyo hagidda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho,Baladweyne.
Waxa uu sheegay in shabaab kasoo tirsanaa muddo sanadooyin ah,islamarkaana uu soo fuliyay dilal qorshaysan,sidoo kalana uu kasoo shaqeeyay isbitaalo ku yaala Muqdisho,Baladweyne, iyo Gaalkacyo.

