Wafdi uu Hoggaaninayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha waddankaasi Isaias Afwerki.
Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonto laba cisha ah ayaa ka dambeysay kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Eritrea ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah.
Booqashadan oo ah tii 3aad ee Madaxweyne Xassan Shiikh ku tago Asmara tan iyo markii la doortay sanad ka hor ayaa ku soo aadeysa xili ay dalka ku soo laabteen inta badan ciidamo kumanaan gaaraya oo Dowlada Somalia loogu tababaray dalka Eritreya.

