Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Shabaab Laga Dilay 200-askari

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Olole cusub oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in shacabka Soomaaliyeed uga qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah Shabaab bixinta qofkiiba hal doolar.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ololahaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay looga dan leeyahay dardar galinta howlgalada dalka looga xureynayo Al-shabaab.

“Iyada oo ay si habsami leh u socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka ee looga xoreynayo  Al-shabaab” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney dowladdiisa ku garab istaagaan dagaalada ka dhanka ah shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka, islamarkaana loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab si looga xureeyo guud ahaan dalka.

“Waxaan idiin kugu baaqayaa reer Muqdisho, Khawaarijtu waa idinku dhexjiraan ee iska saara, guryihiina ayay ku jiraan, waa deriskiina, baabuur ayay idin ku dhex maraan ee haloo midoobo dagaalka ka dhanka ah aan kula jirno kooxda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hor hadlaayay boqolaal dad weyne ah oo isugu soo baxay banaanbax looga soo horjeeday Al-shabaab oo ay soo qaban qaabisay dowladda oo ka dhacay  garoonka ciyaaraha Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho bilowgii bishii lasoo dhaafay janaayo ee sanadkaan 2023-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here