Faah-faahin;-Dagaal Maalintii 3-aad Ka Socda Magaaladda Laascaanood

0

Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa saakay mar kale dib kaga bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamadda Deegaanka iyo kuwa Maamulka Somaliland.

Gudaha Magaaladda Laascaanood waxaa saakay laga maqlayaa hubka culus ay isweedaarsanayaan ciidamadda Maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka oo magaaladda ka difaacaya Ciidamadda Somaliland.

Ilaa haatan faah-faahin dheeraad ah laga ma hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay maalintii 3-aad ka socda Magaaladda Laascaanod.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool uu kula dagaalamayo kooxo argagaxiso, iyo Puntland oo taageereysa,inkastoo Puntland iska fogeysay eedeenta kaga timid Somaliland.

Inta ka badan 200-ruux oo shacab u badan iyo dhinacyadda dagaalamaya ayaa ku dhintay dagaalka ka socda Magaaladda Laascaanood.

Ciidamadda Somaliland oo adeegsanaya hubka culus ayaa duqeeyay labadii maalin aynu soo dhaafnay goobaha dadka rayidka oo isbitaalo ay ku jiraan.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey war ay ku cadeyneyso mowqifkeeda ku aadan xaaladda magaalada Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa sheegay in dolwadda Soomaaliya ay si dhaw ula socotay shirarka ka socday toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Laascaanood, oo ay hor kacayeen madaxda dhaqanka,ayna taageerayaan natiijadda kasoo baxday shirarkaas.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda ay aad uga xun tahay dagaalka ka dhacay Laascaanood, kaasoo geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh, iyo burburka hantiyeed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here