Kooxo hubeysnaa ayaa caawa magaaladda Muqdisho,gaar ahaan Degmadda Dharkinley ku dilay Mid kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.
Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan(Sandheere),oo ka tirsanaa baarlamaanka dowladd goboleedka Jubbaland.
Sida la xaqiijiyay kooxo hubeysan ayaa xildhibaan Isaaq Maxamed ku dhuftay dhoor xabadood,xili uu kasoo baxay salaadii Maqrib iyagoona dilka kadib goobta isaga baxsaday.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.

