Faah-faahin;-Dagaal Maalintii Labaad Ka Bilowday Magaaladda Laascaanood

0

Maalintii labaad waxaa mar kale dib uga bilowdey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool, dagaal aad u culus oo u dhexeeya Ciidamadda dadka deegaanada iyo ciidamada Maamulka Somaliland.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada ee Somaliland ay weerar mar kale ku soo qaadeen Ciidamadda Deegaanka ee Laascaanood.

Sida ay sheegayaan waraka dagaalka saakay ayaa ku bilowday rasaas goos goos ah oo labadda dhinac is dhaafsadeen,waxana kadib bilowaday dagaalka oo haatan ku fiday xaafado cusub oo shalay lagu dagaalamin.

Goobihii shalay lagu dagaalamay waxaa kamid ahaa Hotel Xamdi, Buurta Sayidka ilaa xabaalaha ee koonfurta Magaaladda Laascaanood,balse maanta dagaalka ayaa gaaray taliska ciidamadda Somaliland ee Goojacadde.

Dagaalkii shalay waxaa ciidamada Somaliland magaalada la dhaceen hoobiyaal, waxaana ka mid ahaa dadka ku nafwaayey 7 qof oo isku qoys ka soo jeeda.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatey dagaalkii bilowdey maalintii isniinta ee 6 Feberaayo 2023,Magaaladda Laascaanood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here