Taliska ATMIS ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray askar ka tirsan ciidankooda oo wiil dhalinyaro ahaa ku dilay maalintii jimcada aheyd meel ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.
ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku qiratay dilkan inuu geystay askari kamid ah ciidankeeda, waxayna shaaca ka qaaday inay ka qoomamayneyso falkaasi.


