Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashadda kursi kamid ah Golaha shacabka uu dhawaan iska casilay Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad.
lyaas Sheekh Axmed Ibraahim oo lasii ogaa in uu kusoo bixi doono kursigaan ayaa loo doortay xildhibaanka kursiga Hop147, kadib markii ay u tanaasushey musharaxii la tartamaysay ee Aamino Tahliil Warsame.
Gudoomiyaha gudiga KMG ee Doorashada kuraasta ka banaan baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa ku dhawaaqey in Ilyaas Sheekh kursigan uu ku qaatay Cod gacan taag ah oo dhan 86-xubnood oo ergadiii codeyneysay ah.
Xildhibaan Ilyaas ayaa soo noqday madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug wuxuu balanqaaday inuu ka shaqeyn doono danaha dadka uu baarlamaanka ku metelo beesha.

