Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saakay ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle.
Qaraxyadda oo ahaa kuwa ismiiaamin ah ayaa ka dhacay gudaha Dgmadda,waxaana loo adeegsaday gawaari qaraxyo laga soo buuxiyay.
Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa lala eegtay guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo kamid ah xildhibaanada Golha Shacabka, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane,oo hoygiisa mid kamid ah qaraxyadda lala beegsaay ayaa sheegay in weerarada ay ahaayeen kuwa ‘aragagixiso isaga oo intaas ku daray in hay’adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.
Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhintay, tira kalena waa ku socdeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ilaa hadda ma jirto cidi sheegtay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee inta badan weearrada noocan ah ee ka dhacay Soomaaliya waxaa sheegta Al-Shabaab.
Maxaas ayaa ka mid aheyd degmooyinkii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilhii lasoo dhaafay ka saaren Al-shabaab, iyadoo 19-kii Novermber uu sidoo kale booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ballanqaaday in Maxaas ay noqon doonto meelaha ugu horeya ee mashaaricda hormarinta laga hirgaliyo.
Sidoo kale Degmadda Maxaas waxay mudooyinkii dambe ay aheyd xarun laga abaabuli jirey weeraddda lagu qaado saldhigyada Al-shabaab,waxayna muooyinkii dambe saldhig ka dhigtay Xildhibaano kasoo kalajeeddaHir-shabeelleiyo Galmudug.
Shabaab oo inta badan laga saaray degmooyinka Gobolka Hiiraan,ayaa mudooyinkii dambe bilaabay in qaraxyo la beegsaday xarumihii gacantooda ka baxay.

