Muran Xoogan oo Ka Dhashay Xukun ay Riday Maxkamadda CQS

0

Eheladda Darawal mooto bajaaj oo dhawaan lagu dilay Magaaladda Muqdisho ayaa ka hor yimid xukun ay riday Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida maalintii shalay aheyd.

Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiis ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow islamarkaana ka Tirsan Al-shabaab.

Eheladda ayaa ku doodaya in qof dilka geystay uu ahaa askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya,balse maxkamadda ay xukuntay shabaab horey dambi u geystay,islamarkaana lasii daayay askariga dilka geystay markuu dhintay marxuumka.

Cabdinaasir oo kasoo muuqday liiska dadka la xukumay ayaa Maxkamadda waxa ay shaacisay in uu dilay Marxuum Maxamed Xaashi Faarax oo ay sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani, gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha September 7-deedii sanadan 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.

Dhanka  kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa soo faro-geliyey kiiska nin ka mid ah sideed qof oo shalay ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Kiiskan ayaa la xiriira Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama), kaasi oo dil toogasho lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyey inuu ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu dilay Maxamed Xaashi Faarax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in hubin dheeri ah lagu sameeyo kiiskan, sida ku cad qoraal uu soo dhigay Facebook.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarowayaa isna ku doodaya in kiiska la siyaasadeeyay,islamrkaana laga fiican yahay in qabiilka qaranka laga hormariyo.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo dadka qaar ay u damqadeen Cabdinaasir, halka qaar kalena ay wasiir Fiqi ku eedeeyeen inuu soo faro-geliyey howl u taalla Maxkamadda oo aan shaqadiisa aheyn.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here