Ku-simaha Madaxweynaha oo Xalay Xaflad Soo Dhaweeyn Loogu Sameeyay Xudur

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Shacabka Degmada Xudur ee Gobolka Bokool.

Masuuliyiin kala gedisan oo ka hadlay Xafladda soo dhoweynta  ayaa dhammaantooda codsaday in degaannada Gobolka si deg ah loogu dulqaado argagixisada, waxayna xuseen ay ku biiraan dadaalada dalka looga xorreeynaayo Khawaariijta Al-Shabaab.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada  isagoo la hadlaayay Shacab weyne tira badan ayuu u sheegay in Dowladda diyaar u tahay xorreynta ka qeyb qaadashada iyo taageerada Xukuumadda, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in la hirgelin doono adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.

DHAMMAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here