Madaxweynaha Hirshabeelle oo Tagay Degmadii Ugu Weyneyd ee Shabaab Laga Saaray

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo socdaal dhulka ah uga soo baxay Magaalada Jowhar ayaa soo gaaray deegaanada ceeldheere, miiro iyo degmada aadan yabaal oo dhowaan lagala wareegay Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay siyaasiyiinta, dhaqanka iyo bulshada deegaanka ceeldheere oo u soo baxay ka qeybgalka howlgalada Al Shabaan ,isagoo bogaadiyay ciidamo deegaanka ee usoo qalab qaatay dagaalada lagula jiro Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale degmada Aadan Yabaal kula kulmay madax katirsan maamulka Hirshabelle , xildhihaano iyo saraakiil horey ugu sugnaa degmada Aadan Yabaal oo dhawwaan Al Shabaab laga saaray.

Degmada Aadan Yabaal oo aheyd xaruntii ugu weyneed Al Shabaab ayaa waxaa hadda ku sugan madax kala duwan oo ka kala yimid Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan , kuwaa oo abaabul dagaal kawada degmadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here