Roobow oo Ka Hadlay Al-shabaab, iyo Amar La Duldhigay Wadaada Faafiya Diinta islaamka.

0

Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow  oo bixiyay wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii uu kamid noqday dowladda Madaxweyne xasan shikh maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha Al-shabaab iyo amaro la dul dhigay wadaada faafiya diinta islaamka.

Roobow Ku-xigeenkii hogaamiyaha Al-shabaab iyo afhayeenkii  Shabaab ayaa sheegay in uu yahay qof biniaadanimadda wax ka yaqaana,islamarkaana tan iyo markii uu kusoo biiray dowladda uu waayay xubno ay isku dhawaayeen.

Muqtaar Roobow, oo hadda noqday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa sheegay in qoyskiisa ay si buuxda ugu milmeen Shabaab,wuxuuna saameyn ku lahaa koonfurta Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay The Guardian, Roobow, ayaa sheegay in Shabaab ku biirista dowladda iyaga oo ka xun ay dileen wiil uu dhalay ka hor inta aysan qoorta ka jarin seedigiis.

Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab ayaa xabsiga loo taxaabay sanadkii 2018-kii, kadib markii uu isku dayay in uu isu soo sharaxo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan  ku biirista dowladda ay wax weyn ka tari doonto aragtida ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa ku tilmaamay Muqtaar Roobow mid qiyaamaya Mujaahidiinta, Afhayeen Cali Dheere ayaa ku tilmaamay “mid diinta ka baxay” isagoo xusay in “dhiiggiisa oo la daadiyo ay bannaan tahay.”

Roobow ayaa ku adkeysanaya in muddo dheer uu khilaaf dhanka fikirka ah kala dhaxeeyay Hogaanka Al-shabaab, islamarkaana uusan raali ka aheyn arxan darrada ay wadaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumada Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa sheegay in dowladda ay wado qorshe Shati loogu jarayo dadka faafinaya Diinta Islaamka.

Wasiir Roobow ayaa dhanka kale tilmaamay in howsha Shati bixinta lagu bilaabayo Imaamyada Masaajida iyo Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka.

Mr.Roobow oo mar soo noqday Amiir kuxigeenka kooxda argagixisada ah ee Al-Shababa ayaa arrintan hadafka laga leeyahay ku micneeyay in laga hortago faafinta fikradaha xagjirnimada.

Ugu dambeyntii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumada Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur Isagoo ka hadlayay aragtidiisa ciidanka Macawiisleyda ee Shabaab la dagaalamaya waxa uu la barbar dhigay kooxihii wax iska caabinta ee dalka Ciraaq ka saaray Daacish.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here