Dowladda oo Sheegtay in Duqeyn Lagu Dilay 15 ka tirsan Al-Shabaab

0

Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda , Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ee la shaqeeya Dowladda Soomaaliya.

Xubnahaan Al-shabaab ee la laayay oo ay si gaar ah ugu daba jireen Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Al-shabaab yo hubkii ay wateen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaa shanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab si loo helo gayi Soomaaliyeed oo nabad iyo barwaaqo ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here