Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalkii iyo qaraxyadii saakay ka dhacay Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee Maamul Goboleedka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay saakay werar kusoo qaadeen deegaanka Qaayib,ayna doonayeen in ay la wareegaan deegaanka.
Waxa uu sheegay in laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay kusoo galeyn deegaanka, islamarkaana aysan u dhici sidii ay u qorsheeyeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jireen rag lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo la doonayay in ay isku qarxiyaan ciidamadda Dowladda iyo kuwa Galmudug iyagana la fashiliyay.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shabaab saakay lagu jabiyay deegaanka Qaayib,ayna mar kale soo qaadeen dagaal kale.
Ugu dambeyntii wasiirka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray ciidamadda iyo shacabka dhanka Galmudug uu aad u yar yahay,balse khasaaraha ugu weyn uu gaaray dhanka dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Deegaanka Qaayib oo dhowr iyo soddon kiilimitir u jira Baxdo ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed,kadib markii shabaab laga saaray.

