Hay’adda Amnesty oo Fariin u Dirtay Al-shabaab,kadib Qaraxyadii Zoobe

0

Hay’adda Amnesty oo digniin u dirtay dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab,kadib qaraxyadii sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaaladda muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay sida qaraxaas loo fuliyay iyo khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah ee waxba galabsanin.

Hay’adda Amnesty ayaa ugu digtay dagaalyahanadda Xrakadda Al-shabaab in ay joojiyaan qaraxyadda iyo dilalka dadka shacabka loo geysanayo.

“dagaallyahanadda hubeysan ee Al-Shabaab waa in ay joojiyaan  weerarada aan loo meel dayin ee ay ku heyso dadka rayidka ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay xaqiijiyaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah,” ayay tiri hay’adda xuquul insaanka ee Amnesty International,

“Amnesty International waxay tacsi u direysaa dhammaan dadkii ku waayey eheladooda kadib weerarradii naxdinta lahaa ee Sabtidii.

“Falalka al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana aad muhiim u ah in dhammaan kuwa lagu tuhunsan yahay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadan ay wajahaan maxkamadeyn caddaalad ah,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda , Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Hadalka Amnisty ayaa imanaya kaddib markii laba baabuur oo ay walxaha ka buuxaan Sabtidii aynu soo dhaafnay lagula beegsaday magaalada Muqdisho, oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-Shabaab, laguna dilay dad boqol kor u dhaafaya, sidoo kalana in ka badan 300 oo kale ay ku dhaawacmeen.

Hay’adda Amnesty ayaa horey u cambeereysay dhibaatooyin ay geysteen ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here