Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubb-land ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu goordhaweyd ka dhacay Magaaladaas.
Qaraxa oo gaari lagu soo xirey ayaa lagu weeraray Hoteel lagu magacaabo Tawakal oo ku yaala Magaaladda Kismaayo.
Dabley hubeysna ayaa la sheegay in ay gudaha u galeyn hoteelka qaraxa kadib,waxaana la maqlayaa rasaas xoogan.
Hoteelka la weeraray waxaa haatan gaaray ciidamadda Maamulka Jubbaland.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaaladda kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbland.

