Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa balanqaad u sameeyay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Macawisley ee dagaalka kula jira dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Cali Jeyte uu wehlinayay Xildhibaan cabdullahi maxamed cali sanbaloolshe, saraakiil ciidan siyaasiyiin, iyo odayaasha dhanqanka gobalka hiiraan ayaa sheegay in dagaalka al-shabaab uu haatan marayo meel xasaasi ah.
Waxa uu faray ciidamada dib u xoreynta oo kaashanayo ciidanka xooga dalka soomaaliyeed si loo xaqiijiyo yoolka nabad-galyada deegaanada gobalka hiiraan oo meelahii ugu dambeeyey looga saarayo al-shabaab,loo baahan yahay in la soo gaba-gabeeyo dagaalka al-shabaab.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeeyte cismaan ayaa balanqaadyo kala duwan u sameeyey ciidamada dib u xoreynta, isagoo xusay in qofkii soo dilo afhayeenka al-shabaab cali dheere u abaal marin u heli doono $25,000 kun dollar, (labaatan iyo shan kun oo doolar).
Sidoo kale qofkii soo dilo sarkaal ka tirsan al-shabaab uu heli doono $10,000 kun oo doolar qofkii dila dagaalyahan al-shabaab ahna uu heli doono abaal marin $5,000 oo doolar asigoo ugu baaqay in laga faa’iideysto fursadaas

