Qoor Qoor oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay iyo DF oo Go’aan Laga Sugayo

0

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug ayaa wax ka bedel ku sameeyay dastuurka maamulkaasi u degsanaa, waxa ayna muddo kordhin u sameeyeen Madaxweynaha.

Malamihii lasoo dhaafay magaalada Dhuusomareeb waxaa ka socday qorshaha muddo kororsiga uu gadaal ka riixayay Madaxweyne Qoor Qoor, waxaana ugu dambeyn baarlamaanka Galmudug hirgaliyeen rabitaanka Madaxweynaha.

Kulanka Xildhibaanada baarlamaanka Galmnudug oo maanta soo xaadireen 56-Xildhibaan , ayaa dhammaan xildhibaanada waxa ay qaab gacan taag ah ku ogolaaday in wax laga bedelo dastuurka Galmudug, lagana dhigo muddada xil heynta Madaxweynaha 5-sanno.

Maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey min hal sanno oo dheeraad ah ugu darsaday mudada xil heynta, waxaana Galmudug raacday waddadii ay horey u mareen madaxda maamulada kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here