Boqorad Elizabeth II oo Geeriyootay, Sida uu Shaaciyay Qasriga Buckingham

0

Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geeriyootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib.

Boqoraddu waxay xilka la wareegtay sanadkii 1952, waxayna goobjoog u ahayd isbedello badan oo dhinaca bulshada ah.

Wiilkeeda Boqor Charles III ayaa sheegay in geerida hooyadiis ay “xilli murugo badan” u tahay isaga iyo qoyskiisa, isla markaana geerideeda ay noqoneyso mid “si aad ah looga dareemo” adduunka oo dhan.

Wuxuu yiri: “Murugo ayay nagu haysaa geerida hooyadeydii aadka loo jeclaa.

“Waan ogahay in geerideeda si weyn looga dareemayo dalka, dalalka Barwaaqo-sooranka ah iyo inay dareemi doonaan dad aan la soo koobi karin oo dunida ku nool.”

Waqtiga nagu soo wajahan inta lagu jiro, wuxuu xusay in isaga iyo qoyskiisa ay noqon doonaan “kuwa ku sugan nasteexo, ku negaan doona aqoonteenna, ixtiraamka iyo kalgacalka qotoda-dheer ee aan u haynay Boqorradda”.

Boqorka iyo xaaskiisa Camilla oo hadda ah Boqoradda ayaa Jimcaha ku noqon doona London, sida uu sheegay Qasriga Buckingham.

Xubnaha waaweyn ee qoyska boqortooyada ayaa isugu yimid Balmoral markii ay dhaqaatiirtu gelinkii hore ee maalinta walaac ka muujiyeen xaaladda caafimaad ee Boqoradda.

Dhammaan carruurta Boqorradda waxay u safreen Balmoral oo u dhow Aberdeen, kaddib markii ay dhaqaatiirtu geliyeen Boqoradda xaalad caafimaad oo si dhow loola soconayo.

Wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir William iyo walaalkiis Amiir Harry ayaa sidoo kale ku sugnaa halkaas.

Raysul wasaaraha cusub ee UK Liz Truss oo Boqoraddu ay magacowday Talaadadii ayaa ku tilmaantay Boqoradda “aasaas ay Britain-ta casriga ah ku dhisneyd”, iyadoo raacisay: “Waxay na siisay xasilloonni iyo hal-adeyg aan u baahneyn.”

Iyadoo ka haleysay Boqorka cusub ayay tiri: “Waxaan la garab taagannahay daacadnimadeenna iyo ka go’naanteenna, si la mid ah sidii ay hooyadiis in badan waqti dheer u garab taagnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here