Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ahaa miino la dhigay miis Shaah lagu iibiyo ayaa lala eegtay askar iyo dad shacab oo halkaas fadhiyay.
Qaraxaan ayaa si gaar kaga dhacay Bosteejadda lagu magacaabo Kunyoborow oo ku taala Magaaladda Baraawe.
Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku dhimatay,halka ay ku dhaawacmeen 7-ruux kale oo isugu jirey shacab iyo asakar ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxa oo miino ahaa ayaa la hoos galiyay miis shaah lagu iibiyo,waxaana haatan kacsan xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamadda amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qarax ka dhacay,waxaa sidoo kale mashquul badan laga dareemayaa isbitaalka Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Baraawe.

