Cambaareyn Caalami ah oo ka dhalatay Dadkii Al-Shabaab Ku Laayeen Hiiraan

0

Cambaareyn caalami ah ayaa ka dhalatay weerarka Al-Shabaab ku dishay 21 qof shacab ah oo ka dhacay degaanka Afarta Irdood ee gobolka Hiiaan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo si xooggan u cambaareysay weerarkan ayaa shaaca ka qaadey in lala beegsadey kolanyo ganacsi oo cunto u siday dadka ay saameynta xoogan ku yeelatay abaarta ka jirta dalka.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska dadkooda ku waayay weerarkan wuxushnimada ah waxaana soo kabasho degdeg ah u rajeynayaa inta ku dhaawacantey,” ayuu yiri Aadam Cabdalmuula.

Cabdalmuula oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka waa ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramadda midoobay u fadhiya Magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo “fal argagixiso oo bahalnimo ah” ku sifeysay weerarkan ayaa u xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya in ay si buuxda u garab taagan tahay.

“Ilaahey ha unaxariisto inta ku dhimatay,” ayay tiri wasaaradda oo war-saxaafadeed kooban kasoo saartey dhacdadan iyada oo raacisay “soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynaynaa inta dhaawaca ah”.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here