Madaxweynaa Tiktok Bilaal Bulshaawi oo Lagu Dhawaacay Magaaladda Muqdiso

0

Rag hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada sida TIKTOK, oo looga yaqaanay madaxweynaha TIKTOK.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in saddex xabbadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa sida madaxa. Hase yeeshee dhaawiciisa ayay wararku sheegayaan inuusan aad u cuslayn.

Waxaa dhaawiciisa  la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad haatan lagula tacaalayo, iyadoo dad badan halkaas isugu tageen.

Lama oga cidda ka dambeysa falkaan lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku lug lahaa arrimaha samafalka dadka abaaruhu saameeyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here