PL oo Faah-faahisay Sababtii ay u Hakiyeen Wada-shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa si faah faahsan uga hadlay go’aanka ay qaateen shanta maamul goboleed ee wada shaqeyntii uga joojiyeen Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa tilmaamay in wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada uu si bareer u baal maray dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray wasaaradaasi iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka ayaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu gaaray go’aano uusan kala tashan dowladd goboleedyada, taasi oo keentay in la joojiyo wada shaqeynta.

“Dalku waa Federaal, wasaaradda Xamar joogta oo keliya ma ahan, waxaan rabnaa sidii aan u wada shaqeynaynay, dowladdu in ay ka madax banaanto qof kaligii in uu yiraah aniga sidan iri” ayui yiri wasiir Xasan Shire.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here