Daacish Iyo Ciidamadda NISA Oo Isku Eryanaya Gudaha Suuqa Bakaaraha.

0

Waxaa maanta xiran qaar kamid ah goobaha Ganacsiga Suuqa Babaakaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Qeybo kamid ah suuqa Daawadda ayaa xiran,waxaana hakad galay ganacsigii ka socday qeybtaas,sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sababaha arintaan ka dambeysay ayaa lagu sheegay kadib markii amar kasoo baxay Kooxda Daacish lagu xiray goobahaas ganacsi,kadib markii lacago badan ay kusoo rogeen.

Dhanka kale waxaa suuqa tagay Ciidamo ka Tirsan Hay’adda Nabadd Sugidda oo doonayay in ay furan goobaha ganacsiga ee la xiray.

Waxaa jirta cabsi heysata mas’uiliyiinta goobahaasi ganacsi, iyagoo ka cabsi qaba in marka ugu horeyso ay ciidamadda NISA ka tagaan ay u yimaadaan dableyda Daacish ka tirsan, islamarkaana ay dhibaato gaarsiiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here