Al-Shabaab-kii Ugu Badnaa oo Gaaray Degmadda Mahadaay+Dhageyso

0

Maamulka Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cabsi ka muujiyay dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab oo saldhigyo ka sameystay Tuulooyin hoos yimaadda Degmadda.

Gudoomiyaha Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe C/laahi Cali Furuqle oo wareysi siiyay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in cabsi ay soo wajahday Maamulka Degmadda iyo Shacabka Degmadda.

Waxa uu sheegay in dagaalyanadii ugu badnaa oo ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen Degmadda,kadib markii loogu soo adkaaday dagaaladda ka socda Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Degmadda Mahadaay aysan laheyn awood ciidan ay isaga difaacdo shabaabka kasoo cararay Deegaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan ay howlgalo ay kawadaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Maamulka Hir-shabeelle in ay usoo jeesto sidii shabaab logu difaaci lahaa Degmadda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here