Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Geeriyooday

0

Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa Abwaanku waxa uu ku xanuunsanaa Isbitaalka guud ee Hargeysa, halkaasoo xaaladdiisa caafimaad lagula tacalaayey, waxaana ugu dambeyn uu maanta ku geeriyooday halkaas.

Abwaanka oo waqtiyadii ugu dambeeyey noloshiisa ku qaatay Magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo uu ku dhashay sanadkii 1943-kii, waxaana uu ifka ka tagay isagoo jiray 79-sano.

Allaha u naxariisteen waxaa lagu xusuusan doonaa Abwaanka waayihiisii fanka oo uu curiyey heeso waa weyn oo ay ka mid yihiin Hooyo, Beledweyn, Beerlula iyo kuwo kale, sidoo kale waxa uu lahaa gabayo caan ah oo uu ugu weynaa Gabaygii ilbaxnimo.

Waxaan leennahay Allaha u naxariisto, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asaxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Allah aka siiyo… Aamiin.. Aamiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here