Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dad lagu rasaaseeyay deegaanka Qoolaali ee kuyaalla duleedka Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.
Dadka rasaasta lagu furey ayaa la sheegay in ay kasoo laabteen goob aroos ah,waxaana ka dhashay khasaare dhimaso iyo dhaawac isugu jira.
Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ku dhintay hal qof halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.
Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug oo gaaray deegaanka dhibku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan ninkii rasaasta furay, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan ninka gacan ku dhiiglaha ah.

