Maamulka Jubaland ayaa faah-faahin ka bixiyey ciidamo Itoobiyaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay gobolka Gedo gaar ahaan degaanada dhaca xuduudka.
Wasiirka Amniga ee Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in ujeedka Ciidamadda Ethopia ay u yimaadeen Gobolka ay tahay in la iska kaashado dagaalka Al-shabaab.
Waxa uu sheeay in ciidamaddan lagu soo wargeliyey dhaqdhaqaaqdooda ayna iska kaashanayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka xuduudaha labada dal.
“Ciidankan ma ahan kuwa tiro badan Waa afar Uuraal oo ay saaran yihiin qiyaastii 150 illaa 200 waxaana ka hortagayaan goobo aan ognahay in argagixisada isku uruursaneyso, arrinta ciidamada ma ahan sida dad badan ay u dhigayaan,ma ahan ciidamo qabsanaya Soomaaliya waxaa loogu talagalay in aan iska kaashano dhanka ammaanka”.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali caddeyn mowqifkeeda ku aadan ciidamadda Itoobiya ee soo galay dalka. Muqdisho iyo Addis Ababa ayaan xiriirkoodu caga badan ku taagneyd sababo ku aadan Masar.

