Akhriso:-Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo Yeelanaya Hogaan Cusub

0

Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey in Michael Langley uu noqdo taliye cusub ee Howlgalka ciidamadda Ameerikaanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Langley oo mudaneyaasha uga mahadceliyey codka wadar-ogolka ah ee ay ku ansixiyeen ayaa wuxuu badalayaa Stephen Townsend oo xafiiska joogay tan iyo bishii July ee sanadkii 2019-kii.

Isaga oo kadib meelmarintiisa la hadlaya mudaneyaasha, Langley waxa uu soo bandhigay dhawr arrimood oo muhiim u ah ku dhawaad 6,000 oo askari oo Maraykan ah oo uu ku hogaamin doono Afrika.

Arrimaha uu daaha ka rogay waxaa kamid ah xiriirka milatari iyo diblomaasiyadeed ee dalalka ay saameeyeen Ruushka iyo Shiinaha si lamid ah la tacaalidda kacdoonnada gobolka Galbeedka Afrika ee Sahel.

Taliyaha cusub ayaa badalaya Stephen Townsend oo xafiiska joogay tan iyo bishii July ee sanadkii 2019-kii.

Senetarada ayuu cod dheer uga digay bishii hore in kororka dadweynuhu uu sii hurinayo fikradaha cusub ee qaaradda, iyo kooxaha mintidiinta ah ay mar walba la imaanayaa xeelado cusub.

“Maalinta ma jirto mar ay ka dhib badan yihiin,” ayuu Langley ka yiri khatarta kooxaha argagixisada ah, isaga oo ku nuux-nuux-sadey in uu ahmiyad gaar ah siinayo la dagaalanka maleyshiyaadka.

Awoodda sii kordheysa ee Al-Shabaab ayaa ku kaliftay Madaxweyne Joe Biden inuu ka noqdo go’aankii Donald Trump ee ahaa in dhammaan ciidamaddaMareykanka ay ka baxaan gudaha Soomaaliya Biden ayaa ku dhawaaqay bishii May in uu Soomaaliya usoo diri doono 500 oo askari oo hawlgal gaar ah si ay si joogto ah u joogaan.

Langley wuxuu go’aankas ku tilmaamay mid wanaagsan oo hore u socod ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here