Madaxweyne Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga Abaaraha ee Puntland, Culimaa’udiinka, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arinta la shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya,kadib guuldarooyinkii siyaasadeed ee kasoo gaaray doorashadii Soomaaliya ka dhacday.
Waxa uu sheegay in ay la shaqeynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya,islamarkaana la dhameeyay khilaafyadii jirey.
“Waxaan si buuxda u cadeynayaa in aan la shaqeynayo Dowladda Federaalka, si loo dhameystiro nidaamka Dowladnimo ee Sooamaaliya,” ayuu ku yiri nuqul kamid ah hadal-jeedintiisa.

