Hoggaamiyihii Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri oo la dilay,Mareykanka oo ka Hadlay

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka circa ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri.

Waxa uu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Waxa uu sheegay in dilka Al-Zawaahiri uu soo afjarayo xanuunkii hayay qoysaska dadkii waxyeellada ay ka soo gaartay weerarkaasi.

Biden wuxuu sheegay in Al-Zawaahiri caddaaladda la mariyay, sidaa awgeedna uu Meesha ka baxay hoggaamiyahaasi Al-Qaacidda.

Waxa uu intaasi ku daray in dalka Afqaanistaan uusan mar dambe noqon doonin meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.

Saacado ka hor inta madaxweyne Biden uusan warkan shaacin ayaa afhayeen u hadlay ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid, waxa uu sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay gudaha magaalada Kaabuul balse marnaba ma uusan soo hadal qaadin dilka Ayman Al-Zawaahiri.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here