Al-shabaab ayaa war ka soo saartay dagaal saaka ka dhacay deegaanka Aato oo ku yaalla xadka gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.
Al-Shabaab ayaa sheegay inay cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada Liyu boolis ku laaayeen degaanka Aato, ayna dileen in ka badan 100 askari, intaa ka badana dhaawaceen.
Halkaan hoose ka Akhriso Warka Al-shabaab
“Waxaan duullaan ku qaadnay maleeshiyaatka Xabashi-kalkaalka ah ee ku sugnaa deegaan Caato ee wilaayada Bakool, dagaal adag oon la galnay cadawga waxaan kaga qabsanay saldhigii ay ku jireen” Sidaas waxaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab..
“Khasaaraha hordhaca ah ee aragnay waa dhimashada 103 ka tirsan maleeshiyada Liyuuga ee Xabashi kalkaalka ah, waxaa jira dhaawacyo badan oo ay dhulka baadiyaha ah ku firxaday, sidoo kale waxaan kasoo qabanay maxaabiis” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abu Muscab.
“Diyaaradaha oo ahaa nooca Miigga loo yaqaano ayaa kasoo kacay saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Godeey, halkaasoo ay dib ugu laabteen markii ay la kulmeen iska caabinta xooggan ee Al-Shabaab” ayaa yiri Abuu Muscab.

