Ciidamada JISA, Gaashaan iyo ururka 5aad ee guutada 16 aad Danab ee CXDS ayaa shaley oo arboco ahayd howlgal wada jir ah ka fuliyey tuulada Kaamjaroon iyo deeganada hoostaga ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka ayaa ku guuleystey sii daynta maxaabiis ku xirnaa xabsiga tuulada kaamjaroon oo Al-Shabaab dulmiga ku haysatey kadib markii Al-Shabaabkii halkaas ku sugnaa ay iskaga carareen goobta.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan si wadajir ahna ay u fuliyeen ciidamadu ayaa lagu burburiyeen dhamaan saldhigyadii ay aagaas ka deganaayeen Al-Shabaab iyo goobihii ay dadka jirdilka iyo dhaca iyo boobka ugu gaysan jireen ee tuulada Kaamjaroon iyo deegaanada hoos taga sida Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul.












