Al-shabaab ayaa gudaha u galay Dowladd Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa la sheegay in ciidamada liyuu booliska ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer.
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho.
Laamaha amaanka Dowladd Deegaanka ayay sheegay in xoogagga taabacsan Al-shabaab lagu hereereyay aagga Huluul lee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ilaa gabal-dhicii shalay uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateena ay ka carareen marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen.
Ciidamada Liyu Booliska ayaa dhankooda sheeganaya inay guulo gaareen iyadoo dhanka Al-shabaab aysan jirin wax faah-faahin oo dagaalkan ku saabsan oo ka soo baxay.
Maleeshiyadka gudaha u soo galay Dowlad Deegaanka ayaanan ilaa haatan la ogeyn halka ay ku wajahnaayeen iyo u Jeeddadooda rasmiga ah.
Waxaa xusid mudan in hadda ka hor howgal ay ciidamada Liyu Booliska ka fuliyeen tuulo la yirahdo Hilo Madow oo ka tirsan degmada Ceel Karri, halkaas oo Liyu Booliska ay ka soo saareen god weyn oo uu ku aasnaa noocyo kala duwan oo hub ah sidoo kalana ay soo qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab marka waxay u muuqataa in soo gelitaankooda uu la xiriiro dhacdadaasi.

