Al-Shabaab oo La Wareegay Deeggaanada Yeed, Aato iyo Washaaqo

0

Al-shabaab ayaa xalay weeraro xooggan ku qaaday deeggaanada Yeed, Aato iyo washaaqo oo dhamaan ku yaalla Degmadda Bakool, xadka Itoobiya.

Waxaa halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyay  ciidanka Liyuu Booliska ee Dowlada Deeggaanka iyo shabaabka weerarka soo qaaday.

Waxaa jira khaaaare ka dhashay dagaalka ka dhacay Magaaladda Yeed Shabaabka ayaa qabsaday welina haysta.

Waxay sidoo kale Shabaabku gudaha u galeen Degmada Godgod ee Dowlada Deegaanka oo tuuladda lagu magacaabo Siifaan ayuu dagaal ka dhacay.

Dhanka kale Isgaarsiinta Magalaadda ayaa sidoo kale go’an,Weyn adag tahay in warar badan la hello.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here