Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar, gaar ahaan halkii la oran jiray Mishinka.
Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo gaari kuwa xamuulka ah qalab dhisme waday laguna soo raray waxyaabaha qarxa.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu bartilmaameedsaday hotel Shabelle oo ku yaala magaladaasi kaasi oo ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabelle
Inta la xaqiijiyay 14 ruux ayaa ku dhaawacmatay qaraxaasi oo u uku jiro Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle xildhibaano agaasimayaal iyo dadkale.
Qaraxa ayaa burburiyay Guryo fara badan oo ku dhow halka qaraxa ka dhacay iyo kuwa ka fog, waxaana qaraxan uu ahaa kii u horreeyay noociisa oo magaalada Jowhar ka dhaca.
Magaalada Jowhar ayaa xarun u ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle.










