Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka bilaabatay dilalka loo geysanayo Ganacsatadda iyo nabadoonadda kasoo jeeda Degmadda Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Degmadda Baxdo ee Gobolka Galgaduud waxaan dhawaan lagu laayay xubno ka tirsanaa Al-shabaab,kadib markii ay dagaal la galeyn dadka deegaanka.
Xalay iyo habeenkii ka horeeyay waxaa Magaaladda Muqdisho lagu kala dilay labada nabadoon ee kala ah; Sheekh Salaad Ciise Diiriye iyo Sheekh Cabdi Faniinte, kuwaasoo kamida waxgaradka ugu saameynta badan beesha degta deegaanka Baxdo, iyadoo dhalinyaro bistoolado ku hubeysan oo Shabaab lala xiriiriyay ay falalkaasi ka danbeeyeen.
Qaar kamid ah eheladda Marxuumiinta la dilay ayaa laga soo xigtay in Shabaab ay bilaabeen beegsiga waxgaradka kasoo jeeda Degmadd Baxdo,ilaa inta Shabaab gacanta ugu dhigayaan Degmadaas.

