Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Ku Wajahan Magaalada Nairobi

0

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka madaxweyne xasan sheikh Maxamuud ayaa labo cisho joogi doono dalka Kenya,wuxuuna kulamo la qaadan doonaan Madaxda dalka Kenya uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyata.

Xassan Shiikh iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa iney kala saxiixdeen heshiisyo la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la filayo in labo sano ka dib la fasaxo ganacsiga Qaadkii Kenya ee loo soo dhoofin jiray Somalia.

Safarkan ayaa noqonaya kii afraad ee Madaxweyne Xassan Shiikh ugu baxo dibadda tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay 15 May.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here